Sunday, July 13, 2025

KASHIFAAD: Sanbaloolshe oo ku biiray Mucaaradka dowladda ee ay maalgeliso Imaaraadka Carabta

Agaasimihii xilka laga qaaday ee  Haya’dda Nabadsugidda Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ku biiray siyaasiyiinta mucaaradka ee ka horjeeda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Sanbaloolshe ayaa la sheegay inuu hore xiriir hoose ula lahaa Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid oo ah ninka ugu sareeya siyaasiyiinta Imaaraadku maalgeliyo ee la doonayo in lagu bedelo dowladda hadda jirta, waxaana uu hore u ahaa madaxii ololaha Cumar C/rashiid.

Xogta Goobjooge heshay ayaa sheegeysa in Mudane Sanbaloolshe ay madaxda sare ee dowladda xilli danbe ogaadeen xiriirka qarsoodiga ah ee kala dhaxeeya Cumar C/rashiid, taasoo qeyb ka ahayd  sababihii xilka looga qaaday, wuxuuna hadda dadaal ugu jiraa inuu dib ugu soo laabto jagadii xildhibaannimo inkastoo ay kula loolami doonaan xubno muhiim ah.

Siyaasiyiinta taageerada ka helaya Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ugu horeeya Cumar C/rashiid oo la-taliye u ah dowladda Imaaraadka una qaabilsan arrimaha Geeska Afrika, iyadoo uu ka mid yahay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo xubno ka mid kooxdii Qabyo.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON