Thursday, July 31, 2025

KASHIFAAD: Sidee Beesha Xawaadle ku heshay xilka Madaxweynaha Hirshabeelle Sanadkii 2016..?

Qormadan waxaa markii ugu horeysay Goobjooge.net lagu daabacay 16 Oktoobar 2016

Tan iyo markii uu soo bilowday qorshaha dhismaha  maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waxaa hareeyay diidmo weyn oo ka imaaneysay Beesha Xawaadle oo si cad uga hor timid qorshihii madaxweyne Xasan Sheekh.

Labada Beel ee ugu tunka weyn labada gobol oo kala ah Abgaal iyo Xawaadle ayaa isku afgaran waayay inay ceeriinka ku qeybsadaan jagooyinka ugu muhiimsan maamulka la dhisayo, waxayna Beesha Xawaadle markii horeba la soo shir tagtay doodda ah:

  1. In la siiyo xilka madaxweynaha
  2. Caasimadda la siiyo Jowhar

Labadan qodob waxaa iska dhega tiray madaxweyne Xasan Sheekh oo isku dayay inuu arrinta ka dhigo mid mugdi ku socota, waxaana xaaladda uga sii daray wakiiladii uu shirka u xil saartay oo kala ahaa:

  1. C/raxmaan Odowaa (Wasiirka Arrimaha Gudaha)
  2. & Mahad Maxamed Salaad (Wasiirka Madaxtooyada)

Labadan mas’uul qaabkii ay ergooyinka u qeybiyeen iyo maamulkii hore ee shirka Jowhar ay la tageen waxay aad u sii fogeysay Beesha Hiiran ugu tunka weyn ee Xawaadle, waxayna keentay inay shirku galo xaalad jahawareer ah.

labagobol

Wareegtadii madaxweyne Xasan Sheekh ee caasimadda loogu magacaabay Buuloburte isla markaana xarunta shirka loogu doortay magaalada Jowhar waxay sii kordhisay shakigii beesha Xawaadle oo u arkeysay in loo degay qorshe looga takhalusayo.

  • Waa marka horee waxay u aragtay in caasimadda laga dhigay Buuloburte ay been abuur tahay oo caasimad KMG ah ay noqoneyso Jowhar, xaaladda degmada Buuloburte awgeed.
  • Xilka Madaxweynahana uu qaadanayo Abgaal, sidaasina ay labadii awood qeybsi ee ugu muhiimsanaa laga hoos bixinayo.

Doodan maba qarin waxgaradka Beesha Xawaadle, laakiin wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku fashilmay inuu fahmo halka sartu ka quruntay iyo dhibaatada awood qeybsi, taasoo keentay in odayaasha Beesha ay soo nooleeyaan dood ah in Hiiraan ay tahay laba gobol.

8 bilood kadib oo shirku hore u socon waayay, waxaa arrinta la wareegtay IGAD oo keentay qorshe ah in Beesha Xawaadle la siiyo xilka madaxweynaha iyadoo hoos ku wadatay musharax kasoo jeeda beeshaasi, arrintan ayaa rajo soo gelisay shirka lagu dhisay maamulka Hirshabeelle.

saxiixayaasha

Caasimadda maamulka cusub ayaa laga dhigay magaalada Jowhar, iyadoo la dardaray wareegtadii madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana beesha Abgaal loogu daray xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka loogu magac daray Hirshabeelle.

Awood qeybsiga cusub wuxuu bannaanka dhigay laba beelood oo ku dulman, kuwaasoo kala ah; Beesha Jareer oo xilkii ay fileysay ee Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle ay qaadatay Beesha Gaaljecel. Beesha Gugundhabe ayaa iyaduna bannaanka ku soo dhacday markii caasimadii ay taageersaneyd ee Buuloburte meesha ka baxday.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay caasimadda & magaalada marti gelineysa Maamulka KMG ah ee Hiiraan & Sh/dhexe

Inkastoo Ugaas Xasan uu ka cago jiiday inuu si rasmi ah u aqbalo shirkii Jowhar, waxaa la ogayahay inuu ilaa xad la dhacsan yahay xilka beesha u soo hoyday, waxaana kadib Xasan Sheekh olole u galay inuu xilka madaxweynaha Hiiraan u soo sharxay Cali C/llaahi Cosoble oo ah shaqsiga uu wato, sidaasina lagu afgembiyay musharaxii IGAD ee Cali Maxamed Carraale.

Qormadan waxaa markii ugu horeysay Goobjooge.net lagu daabacay 16 Oktoobar 2016

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON