Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore meel mariyay miisaaniyad sanadeed uu yeelanayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Dakhliga Bishii ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u qoondeysay Dowladda Soomaaliya ayaa ah $40,000 oo Doollarka Mareykanka ah Bishiiba, iyadoo kharashkaasina uu yahay mid loo qoondeeyay isaga, qoyskiisa, safarradiisa iyo ammaankiisa.
Sanadkii waxaa ay noqoneysaa $480,000 oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana uu ka badan yahay ama laba iyo saddex jibaarmaa Madaxdii hore ee dalalka dunida ugu dhaqalaha badan sida Mareykanka, Ingiriiska iyo Canada.
Obama waxaa uu Sanadkiiba howlgabnimadiisa ku qaataa $207,800 oo Doollarka Mareykanka ah, halka Ra’isal wasaarihii hore ee UK, David Cameroon miisaaniyaddiisa sanadlaha ah ee ay dowladda siiso dhan tahay £75,000 oo ku dhow ($100,000) oo Doollarka Mareykanka ah. Ra’iisal wasaarayaasha dalka Kanada ayaa markii ayaa markii ay xika ka degaan sanadkii hela lacag dhan $105,000.
Markii aan eegno Qaarada Afrik dalka Kenya waxaa weli nool labadii madaxweyne ee ugu danbeeyay dalkaasi Daniel Arap Moi iyo Mwai Kibaki, waxayna dowladda dalkooda ka helaan markii ay xilka ka degaan kadib lacag dhan 74 Milyan oo Shillinka Kenya ah, taasoo ka badan $700,000 marka la eego qaraar uu ansixiyay Baarlamaanka Kenya December 2016, markaas oo la kordhiyay kharashkooda 15%, iyadoo hore u qaadan jiray $600,000. Waxay labalaab ka lacag badan yihiin madaxweynaha xilka haya ee Uhuru Kenyatta.
Madaxda dunida ayaa inta badan markii ay xilka ka tagaan xaq u yeesha kala bar mushaarkii ay hore u qaadan jireen, iyadoo marka aya gaaraan da’da howlgabkana ay helaan lacag aad uga yar taas.
Khaladaadka ku jira qoondada madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga yaabaa inay ka mid tahay arrimaha ammaanka oo la qiimeeyay, halka ay ahayd dowladu ammaankiisa sugto iyo arrimo badan oo isku qasan, mana jiraan wax faafhaahin ah oo laga bixiyay, inkastoo la filayo in xildhibaanada Baarlamaanka ay arrintan ka hadlaan.
Ma cadda qaabka lagu saleeyay kharashka loo qoondeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, iyadoo la ogyahay inuu xubin ka yahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xasan Sheekh wuxuu hadda ku nool yahay dalalka Tanzania iyo Turkiga oo xaasaskii uu kala dejiyay inuu madaxweynaha ahaa.
Goobjooge