Friday, June 27, 2025

KASHIFAAD: Sirta ku qarsooneyd safarkii Musharax Sheekh Shariif ee Imaaraadka oo la helay

Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa la ogaaday arrinta ka dambeysay socdaalkiisii ugu danbeysay ee dalka Imaaraadka.

Xogta ay heshey Goobjooge.com ayaa sheegeysa in musharaxa Sheekh Shariif uu magaalada Dubai kula kulmay xubno ka tirsan Shirkadda SKA oo ah shirkad hore  maamuli jirtay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo muran badan ka dhashay.

Sheekh Shariif iyo shirkadan ayaa gacansaar hore u lahaa, waxaana hadda rajo laga qabaa inay dib ula wareegto maamulka garoonka diyaaradaha iyo hay’ado kale oo dowladeed haddii uu Shariifka ku guuleysto inuu noqdo madaxweyne.

Kulanka ayaa la sheegay inuu ku saabsanaa maalgelinta ololaha doorashada Shariif Sheekh Axmed, iyadoo ay soo dhowaatay doorashada madaxweynaha ee Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON