Friday, June 27, 2025

KASHIFAAD: Xasan Sheekh oo Lacag ka badan Rubac Milyan Doolar ka helay Xukuumadda Somalia [Akhriso]

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu lacag ka badan Rubuc Milyan Doolar ka helay dowladda Soomaaliya oo ah lacag loo qoondeeyay.

Lacagtan ayaa la sheegay inay tahay xuquuqdii mushaar iyo gunno ee Baarlamaanka Federaalka iyo Golaha Wasiirada u ansixiyen, isagoo dalbaday in la siiyo markii uu Muqdisho ku soo laabtay, waxayna Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya ka gacanta u gelisay jeed ay ku qoran tahay lacag dhan $300,000 (Saddex boqol kun Doolar).

Xildhibaan Xasan Sheekh ayaa dalka ka maqnaa muddo gaareysa 18 bilood, xilligaas oo aanu xaadirin hal fadhi oo ka mida Baarlamaanka Federaalka, wax shaqo ahna u heynin dowladda Somalia, waqtigiisa intiisa badanna ku qaatay  dalka Turkiga.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa u ansixiyey madaxweynihii hore Xasan Sheekh lacag dhan 40-kun oo dooalr bishii, waana ka badan baahidiisa oo uu ku geli karo ololeyaal siyaasadeed oo halis ku ah dowladda uu ka tirsan yahay, isagoo diyaarinaya xilligan sidii uu hoggaamiye ugu noqon lahaa isbaheysi ka kooban dhowr xisbi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON