Waxaa maanta mooshin u yeeris ah markii ugu horeysay la geeyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Mooshinkan oo ay diyaariyeen xubno uu hormuud ka yahay Muuse Suudi Yalaxow ayaa intiisa badan ku saabsan faragelin ay xukuumadda Soomaaliya ku sameysay Maamul Goboleedka Hirshabeelle, waxaana Ra’iisal wasaaraha laga doonayaa inuu ka jawaabo su’aalo ku saabsan doorka ay xukuumaddu ku lahayd xiisada ka taagan Hirshabeelle.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Mooshinkan uu gadaal ka riixayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo khilaaf kala dhaxeeyay ra’iisal wasaare Kheyre si hoos ahna olole ka dhan ah u wada.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa qabtay mooshika isagoo ay ka muuqato inuu ka xun yahay qaabka loo dhigay, waxaana ay ku habooneyd in loo yeero Wasiirka arrimaha Gudaha oo isagu xukuumadda u metelaya arrimaha maamulada, isla markaana ku saxiixnaa mowqifkii xukuumadda.
Siyaasiyiin uu ka mid yahay Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare ayaa tan iyo intii la Ra’iisal wasaare loo magacaabay Kheyre si hoos u waday dagaal siyaasadeed ka dhan ah oo salka ku haya awood qeybsiga beelaha ee dowladda Soomaaliya.
Aqalka Sare ayaanay howshiisa ahayn la-xisaabtanka xukuumadda, waxaana tani loo arkaa xaalad cusub oo lagu doonayo in Ra’iisal wasaaraha lagu sameeyo qash-qashaad siyaasadeed.
Goobjooge