Xalay ayey ahay markii si lama filaan ah qaar ka mida xildhibannada Baarlamaanka Hirshabeeelle ay mooshin ka gudbiyeen madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare xilli uu dhowaan heshiis la galay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mooshinka oo ay saxiixeen 54 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa qasab ku noqday inuu guddoomo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed, inkastoo uu si weyn uga cagajiiday.
Xog ay heshay Goobjooge ayaa sheegeysa in mooshinkan uu ahaa mid ay hore u bilaabeen xildhibaanno ku dhow 40 oo dib loo soo cusbooneysiiyay, iyadoo xilligii ugu danbeeyay ay ku biireen xildhibaano taageersan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xisbiga cusub ee UPD.
Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu la kulmay intii aanu dalka ka dhoofin shalay xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle, iyadoo arrinta mooshinkan looga hadlay, waxaana tuhunsan sii xoojiyey markii ay saxaafadda la hadleen xildhibanno ku eedeeyay dowladda inay dadaal ugu jirto joojinta mooshinkan.
Inta badan xildhibaannada saxiixay mooshinkan ayaa la sheegay inaysan muddo bilo ah helin wax mushaar iyo guno ah, isla markaana ujeedkooda ugu weyn ay tahay in cadaadis ku saaraan madaxweyne Waare si ay dhaqaale uga helaan.