Sunday, June 22, 2025

KASHIFAAD: Yuu Madaxweyne u wataa Imaaraadka Carabta..? [Doorashada 2016 ee Soomaaliya]

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si xowli ah ugu dhexs milantay arrimaha Soomaaliya iyadoo muddooyinkii ugu danbeeyay ay sii kordhisay awoodda ay ku leedahay madaxda dalka ee mid goboleed iyo mid federaal.

Warar hore u soo baxay ayaa xaqiijiyay in dowladda Imaaraadka Carabta ay maalgelin siineysay mar kaliya laba musharax  oo ka mida kuwa ugu cadacad ee ku loolanka ugu jira jagada madaxweynaha Soomaaliya 2016.

xasan-iyo-shariifDowladda Imaaraadka Carabta ayaa si buuxda u taageertay madaxweyne Xasam Sheekh Maxamuud iyadoo maalgelin ku siineysay dib u doorashadiisa, waxaana jiray balan qaadyo waaweyn oo madaxd dalkaasi uu ka heystay.

Ad

Hadda waxaasoo shaac baxeysa in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dhinac kale ay taageersaneyd Imaaraadku ayna  laba guri oo qasri ah siisay, ay door bideyso in inuu dib u soo laabto xilka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Olole cusub oo Imaaraadku bilaabay kadib markii uu dalkiisa ugu yeeray dhammaan madaxweynayaasha maamulada dalka iyo madaxda federaalka oo aanu ku jirin madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaki weyn dhaliyay.

Joogitaanka Sheekh Shariif ee Imaaraadka iyo galaangalka cusub ee socda waxay caddeyn u yihiin in UAE ay u dhabar jeedisay Xasan Sheekh, laakiin lama oga waxa uu sababsaday inay tahay xiriirkiisa dhow ee Turkiga iyo af-carbeedka oo aanu ku wanaagsaeyn midna.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON