Monday, June 23, 2025

Kenya oo Coronavius dartiis joojisay Dadka iyo Gaadiidka kasoo gala xuduudka Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo ka hortagga cudurka Coronavirus, iyadoo la xiray xuduudaha ay la wadaagto dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo shacabka dalkiisa khudbad u jeediyey ayaa sheegay in tirada dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus ay gaartay 830 qof markii maanta la shaaciyey 49 kiis oo cusub.

14 qof oo Kenyaan ah ayaa laga helay cudurka Coronavirus gudaha dalka Uganda, iyadoo dadka u dhintay cudurka ee Kenya ay gaartay 50 qof markii ay 5 qof oo cusub u dhinteen cudurka sida uu sheegay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Dalalka Soomaaliya iyo Tanzania ayuu sheegay Madaxweynaha Kenya inay kasoo galeen 43 qof oo qaba cudurka Covid-19.

Madaxweynaha Kenya ayaa shaaciyey in lasii kordhiyey Bandowgii saarnaa dalkaasi habeenkii oo lagu daray 21 maalmood oo hor leh ilaa 6-da June.

Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la joojiyey isu socodka dhammaan gaadiidka dhulka, Badda iyo dadka isaga gooshaya dalalka Kenya, Somalia iyo Tanzania, amarkan ayaa dhaqangeli doona caawa Saqda Dhexe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON