Kenya ayaa loo magacaabay inay musharaxa u tartamaya Afrika kursiga Golaha Amniga ee Q/Midoobay kadib codeyn ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis ababa.
Dowlada Kenya ayaa hadda noqoneysa musharaxa kaliya ee u taagan kursiga aan joogtada ahayn ee Afrika u geli doona tartanka Kursigaas ka mida Golaha 10-ka dal ee aan joogtada ahyan ee Golaha Amniga ee 2021-2022, iyadoo ay Kenya ka guuleysatay dalka Jabuuti oo la tartamayey.
Codeyn Qarsoodi ah oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika maanta ayey wareegii labaad Kenya heshay 37 cod, halka Jabuuti ay heshay 13 cod, iyadoo ay codeynta ka qeyb galeen 51 dal oo ka mida 55-ka dal ee Afrika. waxayna Kenya sidaasi ku noqotay dalka kaliya ee Afrika u sharxan tartanka ka mid noqoshada Golaha Amniga ee Q/Midoobay.
Wareegii koowaad ee codeynta waxay Kenya weysay 3/2 codadkii loo baahnaa, iyadoo heshay 34 cod, waxayna Jabuuti markaasi hesahy 15 cod.
Soomaaliya ayaa taageereysay Jabuuti oo tartanka hadda ka hartay, waxaana Kenya ay olole weyn u gashay kursigan si ay saameyn ugu yeelato Dacwadda Badda ee ay Somalia kula jirto.