Khaliif C/qaadir Macalin Nuur Maxamed Siyaad ayaa ka haray tartanka Doorashada xilka Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo ka socotay magaalada Cadaado ee xarunta Galmudug.
Loolan adag oo Khaliifka kasoo wajahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu keenay inuu ka baxo tartanka iyadoo haweeney uu taageersan yahay madaxweyne Xasan Sheekh lagu qoray inuu la tartamo.
Kadib markii uu xaqiiqsaday ololaha kooxda madaxweynaha oo wata haweeneyda lagu magacaabo Zamzam Dahir Maxamuud oo u sharxan kursiga Beesha Waceysle ee Aqalka sare.
Waxaana ugu danbeyn keentay in Khaliifka uu xilkaasi ka tanaasulo, isagoo dariiqa u baneeyay musharaxii uu watay madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana gebi ahaanba ka baaqsaday inuu tago xarunta doorashada.
Goobjooge.com