Wednesday, July 9, 2025

Kheyre oo u dhoofay New York & Shir ay kusoo dhoweyn lahayd Jaaliyadda Soomaaliya oo la joojiyay

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka ka dhoofay Magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa Soomaaliya u meteli doona Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee sanadkiiba mar la qabto, kaasoo la filayay inuu tago madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha waxaa uga sii horeeyay New York, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo wafdi la socda oo kulamo gaar iyo shirar barbar socda shirka Golaha Soomaliya uga qeyb galaya halkaasi.

Mudane Kheyre ayaa khudbadda Soomaaliya ka jeedin doona Golaha guud ee Q/Midoobay oo ay isugu yimaadaan madaxda adduunka.

Dhinaca kale shir ay qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanka oo lagu soo dhoweyn lahaa Ra’iisal wasaaraha ayaa la joojiyay, kadib bannaanbaxyo la sheegay in la abaabulayo oo looga horjeedo dowladda Soomaaliya.

Dalka Mareykanka waxaa si weyn u degan jaaliyadda kasoo jeeda Somali Galbeed oo qaar badan oo ka mida ay horjeedaan go’aankii dowladda Soomaaliya ay dalka Itoobiya ugu gacan gelisay C/kariin Qalbi dhagax.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON