Sunday, June 29, 2025

Khilaaf cusub oo ka dhashay Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka soo jeeda Somaliland

Khilaaf cusub ayaa ka soo shaac baxay  doorashada xubanaha Aqalka sare ee kasoo jeed Somaliland iyadoo la filayay in la doorto shan xubnood oo harsan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Somaliland Jen. Jaamac Maxamed Qaalib ayaa sheegay in khilaafku ku saabsa yahay awood qeybsiga beelaha dhexdooda oo la isku hayo in musharixiin hore isu sharxay la bedelo.

Beelaha qaarkood oo xildhibaano ku yeeshay Aqalka hoose ayaa ka hor yimid inay beelahaasi isu sharxaan aqalka sare iyadoo ay jiraan beelo iyo jufooyin aan xilal siyaasadeed helin, taasoo keentay in madaxa la isla galo.

Is-heysadka ka dhex jira beelaha waqooyi dhexdooda ayaa dib u dhac kale ku keeneysa Doorashada madaxweynaha iyadoo aan aqalka sare weli yeelan guddoon rasmi ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON