Monday, July 14, 2025

Khilaaf cusub oo ka dhex qarxay Madaxweynaha Puntland iyo ku-xgeenkiisa (Akhriso)

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa si kulul uga hor yimid magacaabid uu sameeyay Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni, isagoo ku tilmaamay sharci-darro.

Wareegto uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka ayuu ju sheegay inaysan waxba ka jirin magacaabay taliyaha ciidanka madaxtooyada iyo ku xigeenkiisa ee uu shalay ku dhawaaqay Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni; wuxuuna caddeeyay inaan tallaabadaasi lagala tashan; taasoo ka hor-imaaneysaD astuurka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi uu weli yahay taliye ku xigeenka ciidanka madaxtooyada Puntland, una hoggaansamin xil ka qaadista Madaxweyne Deni.

Waa markii labaad ee uu soo shaac baxo khilaafka Madaxweynaha Puntlad iyo ku-xigeenkiisa, waxayna arrintan salka ku heysaa wada shaqeyn la’aan iyo Madaxweyne Deni oo aan go’aanada uu qaadanayo ka talo-gelin ku-xigeenkiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON