Tuesday, June 24, 2025

Khilaafka Guddiga Maaliyadda oo Arrin lama filaan ku keenay Xukuumadda & Kharashka Dowladda oo xirmaya

Khilaafka ka taagan Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Baarlamaanka ayaa keenay xaalad lama filaan ah oo soo wajahday Xukuumadda Soomaaliya.

Guddigan oo xukuumadda Soomaaliya olole weyn u gashay inuu kala qeybsamo, kadib warbixintii  uu soo saaray ee musuqa miisaaniyadda 2018 ka hadleysay ayuu guddoonka Baarlamaanka isku khilaafay, iyadoo aan xal loo helin weli jiritaankiisa oo Guddoomiye Maxamed Sheekh Mursal qoraal ku soo saaray inuu sii shaqeeyo, halka ku xigeenadiisa c/weli Muudey iyo Mahad Cawad ay kala direen.

Shirarkii Baarlamaanka ayaa hakad ku jira, inkastoo xal laga gaaray mooshinkii xil ka qaadista Madaxweynaha, waxaana khilaafka xukuumaddu ka danbeyso ee Guddiga Maaliyadda uu keenay halis kale oo ah in waqtigu ku dhaco Miisaaniyadda 2019 oo ahayd in hore loo ansixiyo si aanay u dhicin inay dowladdu awoodi weydo bixinta wax kharash ah Miisaaniyad la’aan darteed, marka laga bilaabo 1-da Janaayo 2019 oo maalmo kooban naga xigaan.

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka

Guddiga Maaliyadda oo Golaha Shacabka u qaalibsan Miisaaniyadda ayaa laga rabaa inuu Baarlamaanka horkeeno warbixinta xisaab-xirka 2017 oo qabyo ah, xisaab-xirka sanadka gabagabada ah ee 2018 iyo ansixinta miisaaniyadda sanadka cusub ee 2019 oo aan dhammaantood waxba laga qaban.

Guddi cusub oo xilligan la dhiso ayaan suuragal ahayn marka la eego xaaladda lagu jiro, waxaana xukuumadda Kheyre ay dhexda u gashay ismari-waa ay iyadu abuurtay oo ka dhashay shaqada Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON