Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh ayaa shaaciyey inuu baaritaan ku sameynayo lacag ku dhow Nus Milyan Doolar oo ay lahaayeen xildhibaannada Baarlamaanka, taasoo ahay keyd laga jaro mushaarka xildhibaanadda.
Lacagtaan oo bil waliba laga jaro Mushaarka xildhibannka 100 doolar loona qoondeeyo xaaldaha gaarka ah ee xildhibaannada qabsada ayaa waxa maamula Guddoonka Baarlamaanka, waxaana ka yimid shaki badan kadib markii la tuhmay in lacagtaasi la musuqmaasuqay.
Guddoomiye Mursal oo arrintan lagu furay fadhigii koowaad ee uu guddoomiyo, wuxuuna ka codsaday xildhibaanada inay fursad siiyaan si baaritanka lacagtaasi u u galo, isagoo kadib dib ugu soo celin doona warbixinta Golaha Shacabka.
Wuxuu intaas ku daray inuusan aqbali doonin in Golaha Baarlamaanka gudihiisa uu ka dhaco isdaba marin iyo musuqmaasuq, isla markaana uu soo caddeyn doono lacagaha maqan halka lagu bixiyay.