Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Dekadda magaalada Baraawe oo ah caasimadda maamulkaasi, balse aanu ku shaqeynin.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaank Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa dhagax dhigay dhismaha Dekadda Baraawe.
Madaxweynaha K/Galbeed ayaa sheegay inay rabaan in Dekadda Baraawe ay noqoto dekadda weyn caalami ah oo Soomaaliya iyo dowladhaa derieka looga adeego, iyadoo dowladiisa ay dooneyso inay u soo guurto magaaldaa Baraawe.
C/casiis Laftagareen wuxuu shaaciyay inay heleen maalgeliyeyaal waaweyn oo dekadda dhismaheeda maalgelin dono, haddana ay Dhismaheeda ay maalgelineyso Shirkad weyn oo aanu shaacin magaceeda iyo cidda leh. Wuxuu intaas ku daray in dadka K/Galbeed ay saami ku darsan karaan dhismaha dekadda Baraawe.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna bulshada reer Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay maalgashadaan degaannadooda gaar ka ahaan dadka ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo xusay hadii dadka degaanka ay dib ugu soo noqdaan Baraawe, kana shaqeeyaan amniga.
Baraawe ayaa ah magaalo xeebeed, iyadoo leh dekad qadiimi ah oo burburtay, waxaana magaalada dhinacyo badan ka xiga Alshabaab, taasoo keentay in Diyaarad lagu tago.