Wednesday, June 25, 2025

Koox Bistoolado ku hubeysan oo qaab farsameysan u dilay Oday Caan ahaa [Akhriso]

Wararka laga helayo gobolka Sh/Hoose aya asheegaya in oday waayeel, nabadoon ah lagu dilay degmada Baraawe ee xarunta maamulka K/Galbeed aanu ku shaqeyn.

Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa xalay xaafadda Sakhaawadiin ee degmada Baraawe toogasho ku dishay Oday waayeel ahaa oo lagu magacaabi jiray Sayidinaa Xaajow Muukow, kaasoo ka mid ahaa odayaasha caanka ah ee Magaalada Baraawe.

Dilka ayaa u dhacay qaab farsameysan waxaana dadka degaanka ah sheegeen in wiilasha dilka geystay ay iska dhigeen dhalinyaro kubadda cagta ciyaareysa, iyagoo halkaas ku sugay inta uu kasoo baxayo Masjid uu kusoo tukadaday, waxayba rasaas ku fureen qeybta sare ee jirkiisa.

Allaha u naxariistee Sayidinaa Xaajow ayaa la sheegay inuu hore uga mid ahaa ciidamadii dowladii hore ee Soomaaliya, kana gaaray darajo sare, isagoo xilligan howlgab ahaa da’diisuna ahayd 80 sano.

Kooxda Alshabaab ayaa lagu eedeeyay dilkiisa, waana dilkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhacay magaalada Baraawe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON