Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegay in koox hubeysan xalay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ku dhaawaceen Garsoore ka tirsan Maxkamada Sare ee Puntland.
Garsooraha ay kooxda dableyda ah dhaawaceen ayaa magaciisa lagu sheegay Siciid Cabdi Muumin, waxaana dhaawaca soo gaaray la sheegay inuu yahay mid fudud, waxaana baxsaday dableyda falkaasi geysatay.
Dhinaca kale wararka aya sheegay in koox kale oo hubeysan ay bartamaha Suuqa Magaalada Boosaaso ku dileen ganacsade lagu magacaabo Saabir Axmed Cali.
Ciidamada amniga magaalada Boasaaso ayaa howlgal ka sameeyay magaalada Bosaaso, kaasoo lagu baadi goobayey kooxdii falka geystay
Magaalada Boosaaso ayaa ka mida magaalooyinka ay ka dhacaan falalka dilka ah ee ugu badan degaanada Puntalnd, waxaana ka howlgala kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.