Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay xalay dil ka geysatay duleedka magaalada Muqdisho.
Dableyda ayaa xaafadda Sarkuusta ee duleedka magaalada Muqdisho toogasho ku dishay mid ka mida ergadii soo dooratay xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya oo la sheegay inuu aha gudoomiyaha Kaam ay dagan yihiin dad Barakacayaal degaanka Sarkuusta.
Dadka degaanka ayaa sheegay in kooxdii dilka geystay oo ka koobneyd laba dhalinyaro ah ay goobta ka baxsatayn, iyadoo falkaasi kadib ay halkaasi gaareen ciidamo amniga dowladda.