Wednesday, June 25, 2025

Koox hubeysan Ganacsade Dhalinyaro Caan ahaa ku dishay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya sheegaya in goor dhoweyd dabley hubeysan ay toogasho ku dileen Madixii Shirkadda hirkadda Startup Grind ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Maxamuud Sheekh Cali (Dable Pilot) ayaa lasoo weriyey inuu dilkiisa ka dhacay  Baarka Spaghetti House ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho, oo u dhaxeeya Isbitaallada Banaadir iyo Digfeer.

Wararka ayaa sheegay in koox hubeysan ay ku toogteen xilli uu isu diyaarinayey inuu galo baarka oo markaasi uun uu kasoo degay gaari uu watay, isagoo ku sugnaa Barxadda baaburuta la dhigto ee Baarka Spaghetti House.

Dhaawac culus oo soo gaaray Maxamed Maxamuud Sheekh Cali  ayuu markii danbe  u geeriyooday dhaawacaasi, wuxuuna ahaa nin dhalinyaro hal-abuur leh oo madax ka ahaa shirkadda howsheedu tahay inay dhallinyaradda ku dhiiri geliso Ganacsiga, isagoo magaalladda Muqdisho ka furay Doobiga sare ee sida casriga ah loogu dhaqo dharka waaweyn ee Jaakadaha dibadda loo qaadi jiray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON