Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley ku hubeysan bistoolado ay dil ka geysteen suuqa degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa toogasho ku dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya. Waxaana lagu dilay suuqa degmadaasi Heliwaa, iyadoo askariga magaciisa lagu sheegay Liibaan, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilka geystay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in dableyda dilka geysatay ay horeu sii qaateen qorigii uu watey askariga, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Dolwada Soomaaliya oo halkaasi ka qaaday Meydka Askariga.
Dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa aalaaba waxaa sheegta kooxda Alshabaab.