Monday, July 14, 2025

Koox hubeysan oo Dil qorsheysan ka fulisay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay koox hubeysan ay toogasho ku dilay nin ka mid ahaa ergadii dooratay xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dilka ninkan ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadaji, waxaana la sheegay in dhalinyaro bistoolado ku hubeysan ay toogteen Allaha u naxariistee Maxamed Cali Faaydheer, kadibna ay baxsadeen.

Meydka ninkan ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidanka ammaanka oo goor dambe halkaasi gaaray, hawlgal ay sameeyeen ma aanay suuragelin in gacanta lagu soo dhigo dableyda.

Dilalka qorsheysan ee lagu beegsanayo mas’uuliyiinta iyo shacabka  aya si joogo ah uga dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo hay’adaha Amniga dowladda aanay waxba ka qaban.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON