Monday, July 7, 2025

Koox hubeysan oo fal dil ah ka fulisay Magaalada Beledweyne iyo Faahfaahin laga helay..

Wararkii laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in koox hubeysan ay fal dil khaarijin ah ka fulisay caawa magaaladaasi.

Dableyda ayaa weerar ku qaaday askar la socday Mooto Bajaaj xilli uu marayey xaafadda Kooshin ee magaalada Beledweyne, waxaana lagu furay rasaas keenay inuu geeriyoodo, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in askariga ladilay ee saarnaa Mooto Bajaajta laga qaatay Qori AK47 ah oo uu watay.

Ciidamada Amniga ayaa garay goobta dilku ka dhacay, waxaana ay baaritaan ka sameyeen halkaasi, inkastoo aanan lagu guuleysan in la qabto dableyda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON