Thursday, June 26, 2025

Koox hubeysan oo fal dil ah ka fulisay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay fal dil ah ka fulisay magaalada Muqdisho.

Falka dila ah ayaa maanta duhurnimadii ka dhacay Isgoyska Baar Ubax, degmada Howlwadaag, kadib markii askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda  ay koox hubeysan weerarreen xilli uu marayay meel u dhaxeysa masjidka Xareed iyo Baar Ubax.

Rasaas ay ku fureen ayuu isla markiiba ugu geeriyooday askariga oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen inuu ka tirsanaa ciidamada xasilinta caasimadda. Waxaa isla markiiba goobta ka baxsaday dableydii falka dilka ah geysatay.

Ciidamada amniga ayaa goobta gaaray, iyadoo in muddo ah ay xirantay isku socodka dadka iyo gadiidka goobta falku ka dhacay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON