Monday, July 14, 2025

Koox hubeysan oo fal Dil ah ka fulisay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya sheegaya in caawa ay koox hubeysan dil ka geysatay Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, magaalada Muqdisho.

Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa toogasho ku dishay nin lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Sheekh Iidle oo la sheegay inuu ahaa nin oday ah oo xaafadaasi si weyn looga yiqiin, isla markaana ka mid ahaa macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadaha Muqdisho.

Kooxda hubeysan ayaa rasaas ku furay isagoo markaasi uu ku sugnaa meel u dhow gurigiisa xaafadda Towfiiq, wuxuuna ku geeriyooday isla goobta, iyadoo ay baxsadeen dableydii falkaasi geysatay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON