Wednesday, June 25, 2025

Koox hubeysan oo Fal Dil ka fulisay Magaalada Muqdisho Faahfaahin laga helay…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helaya dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo koo hubeysan ay ku toogteen askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Falkan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho, waxayna dabley ka kooban laba dhalinyaro toogasho ku dileen skari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kaasoo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Ciribeey Maxamuud (Bakaati), dableyda oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa goobta ka baxsaday.

Waxaa dilka kadib halkaasi gaaray ciidamada Booliska Afarta oo goobta ka qaaday meydka askariga la dilay, waxaana muddo kooban istaagay isku socodka gaadiidka isgoyska oo ah meel mashquul badan, iyadoo dhalinyaro looga shakiyey falkan ay qabteen ciidamada.

Falalka khaarijinta ciidamada iyo masuuliyiinta dowladda waxaa inta badan sheegta kooxda Alshabaab oo falal amni darro oo joogto ah ka fulisa caasimadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON