Monday, June 23, 2025

Koox hubeysan oo Muqdisho ku dilay Mid ka mida Ergadii dooratay xildhibaannada Baarlamaanka

Dabley hubeysan ayaa maanta magaalada Muqdisho toogasho ku dishay mid ka mida ergooyinkii soo doortay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka Jaamacadda Gaheyr, magaalada Muqdisho kadib markii saddex nin oo bistoolado ku hubeysnaa ay rasaas ku fureen oday ka mid ahaa ergadii magaalada Kismaayo ku soo dooratay xildhibannada Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Dheerow Dhaqane.

Dadka degaanka ayaa sheegay in odaygan uu goobta ku lahaa goob ganacsi, halkaasina lagu khaarijiyey, iyadoo ay goobta ka baxsadeen dableyda, kadibna ay gaareen ciidamada amniga Muqdisho oo halkaasi ka qaaday meydka ninka la dilay.

Ergooyinka soo doortay Baarlmanaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muddo dheer bartilmaameed u ahaa kooxda Alshabaab oo dhowaan Nabadoon caan ah oo 93 sano jir ah ku toogtay gobolka Sh/Dhexe iyagoo ku eedeeyay inuu ka mida ahaa ergadii dooratay Baarlamaanka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON