Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa halkaaasi lagu dilay nabad-doon caan ka ahaa magaalada.Nabaddoon C/Qani Maxamed Cabdi (Baalle) ayaa la sheegay in lagu dilay xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo, agagaarka Isbartiimada, iasgoo markaas uun kasoo baxay salaadii Cishaha kuna sii jeeday hoygiisa, waxaana xilliga weerarka lagu qaaday la socday wiil uu dhalay.
Nabadoonka ayaa waxaa rasaas ku fuay Dabley wadatay Bistoolado oo goobta ka baxsatay, waxaana rasaasta ay dhaawac gacanta ah kasoo gaaray wiil uu dhalay oo la socday. Goobta dilku ka dhacay waxaa isugu baxay dadweyne iyo ciidamo.
Wararka ayaa sheegaya inaan lagu guuleysan qabashada dableydii dilka geysatay oo la sheegay inay u baxsadeen Koonfurta Gaalkacyo.