Koox hubeysan oo Nabaddoon caan ahaa ku dishay Magaalada Gaalkacyo..

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa halkaaasi lagu dilay nabad-doon caan ka ahaa magaalada.Nabaddoon C/Qani Maxamed Cabdi (Baalle) ayaa la sheegay in lagu dilay xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo, agagaarka Isbartiimada, iasgoo markaas uun kasoo baxay salaadii Cishaha kuna sii jeeday hoygiisa, waxaana xilliga weerarka lagu qaaday la socday wiil uu dhalay.

Nabadoonka ayaa waxaa rasaas ku fuay Dabley wadatay Bistoolado oo goobta ka baxsatay, waxaana rasaasta ay dhaawac gacanta ah kasoo gaaray  wiil uu dhalay oo la socday. Goobta dilku ka dhacay waxaa isugu baxay dadweyne iyo ciidamo.

Wararka ayaa sheegaya inaan lagu  guuleysan qabashada dableydii dilka geysatay oo la sheegay inay u baxsadeen Koonfurta Gaalkacyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

117,939FansLike
698FollowersFollow
2,758FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

117,939FansLike
698FollowersFollow
20FollowersFollow
2,758FollowersFollow
error: Content is protected !!