Dabley hubeysan ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dishay oday nabaddoon ah oo ka mida odayaasha dhaqanka degaanka.
Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan; waxayna dableyda ay toogasho ku dileen Allaha u Naxariistee Nabaddoon Cabdulaahi Ciise Hilowle oo ahaa nin oday ah oo ahlu diin ah.
Dableyda dilka geystay oo ku hubeysnaa Bistoolada ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka fuliyeen oo markii danbe ay gaareen ciidamada Amniga.
Wararka ayaa sheegaya inu nabaddoonka ka mid ahaa Ergadii soo xushay Xildhibaannada aGolaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad.
Alshabaab ayaa sheegtay dilka nabadoonka oo ay sheegeen inuu ka mid ahaa ergadii soo xushay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka iyo nin Nin Sixiroole ah.
