Monday, July 4, 2022

Koox Qarsoon oo magaalada Tehran ku dishay Sarkaal ka tirsanaa ilaalada Kacaanka Iran

Dabley hubeysan oo wadata Mooto ayaa toogasho ku dilay mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee dalka Iiraan oo ka dagaalamay dalka Syria.

Dilkan ayaa ka dhacay magaalada Tehran 4-tii galabnimo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA, waxay dableyda ku toogteen meel u dhow Gurigiisaxilli uu ka degayay gaarigiisa si uu gurigiisa u galo, kaasoo ku yaalla xaafad dhinaca Bari ee caasimadda Iran.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Sayyid Khoodeey ayaa la dilay kadib markii labo nin oo wadatay mooto ay ku toogteen shan xabadood ka hor inta aysan goobta ka baxsan. Saddex xabadood ay kaga dhaceen madaxa halka laba xabadoodna ay kaga dhaceen gacanta.

Ad

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidamada ilaalada kacaanka Iran ayaa tacsi loogu diray qoyskiisa, waxaana la sheegay in qaaday tillaabooyin lagu ogaanayo laguna soo qabanayo dhagar qabayaasha falkaasi geystay.

Dilka ka dib, madaxa maxkamadda cadaaladda ee Tehran, Ali Alqasi, ayaa ku amray dacwad oogaha Tehran inuu dardargeliyo dadaallada lagu aqoonsanayo laguna soo qabanayo kuwii ka dambeeyay falkan dembiyeed.

Alqasi ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in la dardar geliyo howlaha garsoorka ee looga gol leeyahay in lagu cadeeyo dadkii ka dambeeyay dilkaasi.

- Advertisement -

Falal khaarijin ah oo ka dhacay gudaha Iran waxaa hore loogu eedeeyay sirdoonka Yuhuudda, waxaaan Iran iyo Israel ka dhaxeeya loolan sirdoon iyo colaad xoog leh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!