Monday, July 14, 2025

Koox wadatay Gaadiid, Hub iyo Waxyaabaha Qarxa oo lagu Qabtay Muqdisho

Boooliska Muqdisho ayaa soo bandhigay Rag watay Hub, Rasaas iyo Waxyaabaha qarxa oo la sheegay in loo waday degmada Saakow ee Gobolka J/Dhexe.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay 8 qof lagu qabtay Hubka iyo Qalabka qaraxyada loo daeegsado, kuwaas oo laba ka mida ay xamaali ahaayeenn, halka 3 kale ay bakhaarada keydka alaabtaan ay lahaayeen.

Hubka lagu qabtay kooxdan ee lasoo bandhigay waxaa ka mida: Solar, 1oo xabo Mobile-ada Niiclayaasha oo fara badan, Rasaas 22 sanduuq Ak47, 7 Rasaasta Qoriga RBG, bartiyaasha yaryar ee Mootooyinka, Tooshash iyo qalab kale.

Hubka iyo Qalabkan la qabtay ayaa la tuhunsan yahay in loo waday Alshabaab, waxaana lagu rari lahaa Mooto saddex Lugooley ah, si loogu geeyo Alshabaab, iyadoo Maxkamad lasoo taagi doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON