Monday, July 14, 2025

Kooxda Aala-sheekh ma ku guuleysan doontaa hogaanka Aqalka Sare ee Soomaaliya…?

Guddoonka Aqalka Sare ee Soomaaliya oo maanta la dooranayo wuxuu qeyb ka yahay meelaha ay kooxaha Diimeed ee siyaasadda dalka doonayana inay ka dhex muuqdaan.

Kooxda Aala-sheekh waxay ka mid tahay kooxda diimeed  ee siyaasadda saameynta ku lahaa, waxaana doorkeedu hoos u dhacay markii uu xilka waayay Shariif Sheekh Axmed.

Olole ay kooxda ku dooneysay inay xildhibaano badan u soo galaan Baarlamaanka ayaa socon waayay doorashadii 2016, taasoo ay ugu wacneyd isku xir la’aan, dhaqaale darro iyo loolan adaga oo kaga yimid Damjadiid.

Xubnaha lacagta badan heysta ee soo galay Aqalka Sare waxaa ka mida milkiilaha Warbaahinta Goobjoog ninka lagu magacaabo Abshir Axmed Maxmaed (Bukhaari) oo hadda u sharxan xilka guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare.

Abshir ayaa ah musharax ka mida kuwa ugu cadcad doorashada, waxaase kula jira Cabdi Axmed Dhuxulow oo lagu tiriyo siyaasiyiinta gacansaarka dhow la leh kooxa Aala-sheekh.

Musharaxa kale ee tartanka uga imaan  karo ayaa ah ruugcadaaga siyaasadeed ee C/risaaq Cismaan Jurille, iyadoo labada kursi ee ku xigeenada ah ay isku heystaan beelaha Hawiye iyo Daarood oo tii guddoomiye ku xigeenka koowaad hesho ay ka baxeyso tartanka guddoomiye ku xigeenka labaad.

Xildhibaanada Xasan Macalin, Axmed Macalin Fiqi iyo Abshir Bukhaari oo ay wehliyaan xubno yar oo fara ku tiris ah oo kooxdan dowladda cusub ugu jira waxaa guul weyn u noqon doona inay ka mid noqdaan guddoonka Aqalka sare.

Abshir Bukhaari oo hantidiisa uu maalgashaday siyaasadda, isagoo ku soo baxay kursigii ugu horeeyay Aqalka sare, uguna kharashka badnaa, haddiiba uu ku guuleysto xilk guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare waxay meesha ka saari doontaa saameyntii kooxda Damjadii oo hore looga qaaday Golaha Shacabka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON