Kooxda Al-Shabab ayaa galinkii dambe ee maanta meel fagaaro ah ku toogtay nabadoon caan ka ah gobalka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan degmada Balcad, iyadoo falkaasi uu naxdin la dhaliyey degaanka degmada Balcad.
Nabadoon Abshir Nuur Xuseen (Abshir Maliis) oo da’diisa 93 sano ahayd ayaa lagu toogtay deegaanka Gamboole ee isla gobalka Shabeellaha Dhexe. Al-Shabaab ayaa nabadoonka ku eedeeyay in uu ka mid ahaa ergadii soo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Nabadoonka ayaa gacanta Al-Shabab ku jiray muddo Saddex bilood, isagoo degaanka maanta lagu taagay u tagay dacwad ku saabsan arrin xoolo dhaqato iyo beeraley ka dhaxeysay.
Nabadoonka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Alshabaab ay toogasho toos ah ku dilaan degaanadooda iyadoo markii hore ku dili jiray magaalada Muqdisho qaab khaarijis ah.