Saturday, July 26, 2025

Kooxda Alshabaab oo War kasoo saartay Ganacsade xalay lagu dilay Magaalada Boosaaso

Kooxda Alshabaab ee ka howlgasha degaanada Puntland ayaa iska fogeysay dil xalay ka dhacay magaalada Boosaaso oo lagu khaarijiyey Ganacsade caan ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cali Cumar.

Ganacsatada oo ahaa Maareeye ku-xigeenkii Shirkadda Isgaarsiinta Golis ee degaanada Puntland ayaa dabley hubeysan xalay ku dileen agagaarka Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso, laakiin Alshabaab-ta Gobolka Bari ayaa sheegtay inaysan wax lug ah ku laheyn dilka Ganacsadaha.

Warka kasoo baxay  Xarakada Shabaabka ayaa lagu caddeeyay inaysan iyagu lahayn mas’uuliyadda dilka Ganacsade Cabdullaahi Cali Cumar, waxayna warbaahintooda u sheegeen in ciidamadoodu aysan geysan dilka lagula kacay ganacsadaha oo ay ku tilmaameen nin muslim ahaa.

Waa markii ugu horeysay muddooyinkan ee Alshabaab ay beeniso inaysan shaqo ku lahayn dil ka dhacay magaalooyinka dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON