Sunday, July 13, 2025

Kooxda Alshabaab oo War kasoo saartay Qaraxii Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho [Akhriso]

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay  Qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lala beegsaday Baar dhowaan la furay oo ku yaalla meel u dhow Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Warka kasoo baxay Al Shabaab ayaa ku doodaya inay qaraxa ku bartilmaameedsadeen shaqaale iyo saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo Baarka ku sugnaa, waxayna intaas ku dareen inay goobta ay qarxiyeen ay ahayd goob ay isugu yimaadaan saraakiisha dowladda..

“Goobtan la beegsaday oo ku taalla wadada Makka Al Mukarama waxaa xilligii qaraxu uu ka dhacay joogay xubno fara badan oo kamid ah kooxda ridada, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawaxc uu kasoo gaaray qaraxaasi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Alshabaab, iyadoo la ogyahay in goobtaasi ahayd meel dadweynaha ku badan yihiin.

Qaraxaasi waxaa ku dhinty 4 qof oo uu ku jiro ninkii gaariga qarxay waday iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen 7 kale, waxaana burbur kasoo gaaray dhismayaashii goobtaasi ku dhowaa.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON