Kooxda Alshabaab ayaa war kasoo saartay dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu khaarijiyey askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Kooxda Shabaabul ayaa si degdeg u sheegatay mas’uuliyadda weerar khaarijin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, waxaana qoraal ka soo baxay Alshabaab lagu yiri: “Mujaahidiinta ayaa degmada Xamar Weyne ku khaarijiyay Sarkaal katirsanaa -dowladda Federaalka – oo darajadiisa ciidan ay aheyd Gaashaanlle Sare”.
Dilka C/qaadir Ibraahim Cabdulle ayaa ka dhacay agagaarka Bacadlaha Xamarweyne, waxaan goobta ka baxsaday laba dabley ahaa oo dilka geystay, iyadoo hay’adaha amniga ee dowladda aysan wax war ah kasoo saarin ayaa sidoo kale la caddeyn karin darajada askariga oo Alshabaab ay sheegatay inua ahaa Gaashaanle Sare.
Ciidamada Saldhiga Xamarwenye ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen meydkii askariga, mana jirin cid loo qabtay falkaasi.