Kooxda Alshabaab ayaa war ka soo saaray weerarkii ay galabta ku qaaday kolonyo ay la socdeen xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo qasaare badan loo geystay jidka u dhaxeeya Jowhar iyo Balcad.
War rasmi ah oo kasoo baxay kooxda AlShabaabul ayaa lagu sheegay inay weerarka ku qabsadeen Laba gaari lagu qabsaday ayna ku dileen 10 askar iyo laba xildhibaan oo ka tirsan maamulka Hirshabelle, kana qaateen laba qori oo noova BKM ah.
Mas’uuliyiinta weerarka lagu dilay ayaa kala ah: Daahir Mukhtaar Cabdulle iyo Ismaaciil Muumin Hilowle oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabelle iyo Muuse Afweyne oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle. Waxaa kaloo lagu dilay Xassan Dhagey oo ahaa taliyaha gaarka ah ee ciidamada madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.
Alshabaab ayaa sii xoojisay weerarrada ay bishan Ramadaan ku qaadeyso guud ahaa gobollada Koonfurta Soomaaliya ee ay ka howlgasho.