Koox hubeysan ayaa maanta fal dil ah ka fulisay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo toogasho ku dilay iil dhalinyaro ah, kadibna qarax ka fuliyey halkaasi.
Kooxda Daacish ayaa sheegatay inay ka danbeysay dilka iyo qaraxa maanta ka dhacay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo kooxdaasi ay sii kordhisay weerarrada iyo khaarijinta dadka ee Suuqa Bakaaraha.
Dilka wiilka dhalinyarada ah ka dib ayaa la sheegay inay qaraxyo ka dhaceen isla goobtaasi iyadoo loo adeegsaday Bam gacmeed lagu weerarray ciidamo ka tirsan dowladda oo goobta tegay, waxaan ka dhashay dhaawaca saddex askari iyo qof shacab oo ganacsi ku lahaa halkaasi.
Daacish ayaa muddo dheer howgallo ka waday Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, laakiin waa markii ugu horeysay ee qaraxyo fuliso, taasoo muujineysa inay kusii xoogeysaneyso caasimadda.