Kulamadii kalfadhiga Shanaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib u furmaya, kadib fasax laba toddobaad ah oo ay galeen maalmihii ugu danbeeyay ee Ramadaanka.
Kulanka maanta ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa hor yaalla Ajende ah akhrinta 1-aad wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, iyadoo xildhibaanno badan ay diyaarinayaan mooshino kala duwan oo fadhigan looga doodi doono.
Mooshinka ugu muhiimsan ee la filayo in loo gudbiyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa ah Qaraar lagu dalbanayo in ciidamada Kenya ee ka mida AMISOM ay dalka ka baxaan, waxaa kaloo jira Mooshin ay suuqa soo geliyeen taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo oo ku saabsan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey.