Dad lagu xasuuqay Duleedka Gaalkacyo, kadib Dilka Wiil dhalinyaro ahaa… [Faahfaahin]

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in duleedka magaalada uu ka dhacay fal lagu xasuuqay dad gaaraya 9 qof, kadib dil ka dhacay magaalada oo loo geystay wiil dhalinyarro ahaa.

Dilka hore ayaa ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, waxaana dabley Bistoolado ku hubeysanaa ay halkaasi ku dileen Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif) oo ka mid ahaa Dhalinyarada Magaalada Gaalkacyo, ahaan sarkaal ciidan, wuxuuna dilkaasi ka dhacay goob lagu lagu caweeyo.

Ad

Falkaasi kadib ayaala sheegay in dabley ka careysan dilka Cali Dhiif ay rag ka ururiyeen gudaha magaalada iyagoo isugu geeyay duleedka magaalada, halkaasoo ay rasaas ku fureen, waxaana goobta falkaasi ka dhacay la xaqiijiyey inay ku dhinteen ilaa 9 qof, halka qofna uu dhaawac kasoo gaaray.

Meydadka dadka la laayey ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Gaalkacyo, waxaana falalkaasi ay dhaliyeen xiisad ka taagan magaalada oo saacado gudahood 10 qof lagu dilay.

Wararka ayaa sheegaya in dadka la xasuuqay ay kasoo jeedaan degaanada K/Galbeed ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in lagu tuhmay dilka ninka lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee Cali Dhiif oo dadka degaankaasi kasoo jeeda, waxayna arrintan salka la gashay fitno qabiil.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

129,356FansLike
1,243FollowersFollow
3,414FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!