Wednesday, July 16, 2025

Kulan ay yeesheen Ganacsatada Muqdisho & Maamulka Gobolka Banaadir oo natiijo la’aan ku dhammaaday

Kulan ay yeesheen ganacsatada Muqdisho Banaadir iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga dooday xaaladda ka taagan suuqa Bakaaraha iyo is mari waaga ka dhashay canshuur kordhinta dowladda Federaalka soo rogtay.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Gobolka Benaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan, ku xigeenadiisa iyo xubno ka socday Ganacsatada ayaa looga hadlay sidii loo xalin lahaa dhibaatada ka dhex taagan ganacsatada iyo dowladda Federaalka.

Ma jirin wax heshiis ah oo laga gaaray arrinta canshuurta iyadoo xaaladda ay tahay mid ka weyn gobolka Banaadir, waxaase kulanka ku soo dhammaaday natiijo la’aan, iyo in Guddi qiimeyn ah loo saaro sidii xaaladda xog ururin , iyadoo maamulka G/banaadir u baahan yahay inuu fahmo cabashada iyo waxa la isku hayo.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Yarisow ayaa kulanka kadib sheegay i ay joogteyn doonaan kulamada ay la qaadanaya ganacsatada, si wada shaqeyn ui dhex marto Ganacsatada iyo Maamulka Gobolka Benaadir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON