Kulan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la isugu yeeray maanta oo Sabti ah 12-ka Janaayo 2019 ayaa dib loo dhigay daqiiqado kadib markii farriimo loo kala diray xildhibaannada.
Farriintii hore ayaa xildhibaannada Baarlamaanak loogu sheegay in Berri oo ah Sabti Tar. 12/1/2019, uu dhacayo shirkii Golaha, Ajendaha looga hadlayana uu yahay: U codeynta wax ka badelka sharciga Hantidhawraha guud iyo Xeer Maamul Bankiga dhexe, laakiin 35 daqiiqo kadib waxaa soo baxday wargelin kale oo dib loogu dhigay kulanka.
Fariinta danbe ayaa lagu yiri: “Dhammaan xubnaha xildhibaanada waxaa lagu wargalinayaa in uu baaqday shirkii berito lagu balansanaa oo laga dhigay maalinta isniinta tr.14/1/1/219, Waxaa la farayaa in ay xidhibaanada maqan si deg deg ah ku soo galaan.”
Kulamada Baarlamaanka ee kalfadhiga 4aad oo aan la xirin ayaa weli socda, iyadoo kulamadooda ay noqdeen kuwo aan la ogeyn xilliga ay dhacayaan, waxaana Baarlamaanka aanu wax kulamo ah yeelan tan iyo markii ay sida degdegta ah ku ansixiyeen Miisaaniyadda 2019 oo ku beegneyd 30-kii Disember 2018.
Xeerka Bankiga Dhexe ayaa xukuumaddu dadaal ugu jirtaa in wax ka bedel lag sameeyo si ay u suuragasho in loo dhiibo qof ajnabi ah, waxaana si weyn loo hadal hayaa inuu xilkaasi qaban doono nin u dhashay dalka UK, inkastoo aan la ogeyn inay xildhibaannadu ogolaan doonaan.