Sarkaal Qori Dashiike ah ku furay Dad shacab ah magaalada Muqdisho oo toogasho lagu xukumay

Maxkamadda Ciidamda Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay maanta  Laba xidigle ka tirsanaa ciidamadda xoogga dalka oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), kasoo ku eedeysay inuu Qori dhashiike ah ku riday dad shacab ah, kaasoo dilay Marxuum la oran jiray Dayax Iimaan Xasan.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday xukunka toogashada ah, kadib markii ay dacwadiisa soo dhammaaday, waxaana Laba xidigle Xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) lagu soo eedeeyay Dil bareer ah oo uu u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan  21-ka bishii September  2018, dilkaasi oo ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano  degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah, waxa uu sidoo kale ahaa darawal Gaari yar oo nooca raaxada ah, isagoo sidoo kale soo dhameeyay heerka wax barashada koowaad  ee Jaamacadda Plasma.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side ayaa fadhiga ka sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday  qori Dhashiika ah  meel ciriiri  badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka.

Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii uu u furi lahaa waddada oo aheyd Baarta jaadka halka loo yaqaano xilligaasi oo ay saxmad ka jirtay balse lagu war geliyay in ay sabatay xabadii uu riday dhimashada Marxuum Dayax Iimaan Xasan.

Qareenada ayaa ku dooday in loo naxariisto sarkaalka loona fududeeyo  xukunka maadama uu goobta fal ka dhacay ay aheyd goob Saxmad ah.

Ugu dambeyn maanta ayaa go’aan laga gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane  Ex, Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah  qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Sarkaal xukunsanaha ah  ayaa heysta fursad  kale  uu uga qaadan karo rafcaan Xukunka Maxkmadda Darajada koowaad.

Marxuumka la dilay

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

115,664FansLike
655FollowersFollow
2,707FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

115,664FansLike
655FollowersFollow
20FollowersFollow
2,707FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!