Kulan gaara oo xasaasi ah ayaa u socda Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo isku maandhaafay Hanraacyada Doorashada dalka.
Kulanka ayaa ka socda Hotelka ay Madaxweyne Siciid Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ka degan yihiin Muqdisho, waxaana looga hadlaya arrimaha Doorashada iyo diidmada ka timid Habraacyada ay awoodda Doorashaa ku qaateen madaxa Maamul Goboleedyada.
Wararka ayaa sheegaya inay kulankan dalbadeen madaxda maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbalanad oo hore saaxiibo ula ahaa madaxda Midooga Musharixiinta, balse hadda isku khilaafay maamulka Doorashada.
Shirka oo looga doodayo qaabka Doorashada u dhaceyso iyo arrimaha la isku hayo iyo haddii ay suuragal tahay in xal laga gaaro. Waxaana ka maqan qaar kaimida xubnaha Midowga Musharixiinta iyo Ra’iisal wasaare Rooble.


