Saturday, July 26, 2025

Kulankii Baarlamaanka ee Farmaaj loogu xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo dib loo dhigay

Kulankii Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la filayey in Beri ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa dib loo dhigay.

Qoraal loo diray xldhibaannada ayaa loogu sheegay inuu kulankii Berri oo Sabti ah dib u dhacay. “Xildhibaano, arrimo jira awgeed ,Shirkii bari loo balansanaa, waxaa dib loogu dhigey maalinta Axada oo taariikhdu tahay 21 August” ayaa lagu yiri farriinta xogheynta Baarlamaanka.

Lama shaacin sababta dib loogu dhigay kulankan oo lagu waday in lagu dhaariyo Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo marka uu xilka ka dego noqonaya xildhibaan joogto ah.

Sidoo kale kulanka Golaha ayaa la filayey in lagu dhaariyo Xubin Guddiga Madaxa banaan ee hirgalinta Dastuurka iyo Doorashada Guddoonka Guddiyadda Golaha Shacabka.

Dib u dhaca kulankan lagu dhaarin lahaa Farmaajo ayaa yimid, iyadoo xaaladda Muqdisho ay kacsan tahay oo weerar ay Alshabaab k uqaadeen Hotelka Xayaat ee agagaarka KM4 uu weli socdo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON