Thursday, June 26, 2025

Kulankii Farmaajo & Muuse Biixi: Abiy Ahmed oo culeys siyaasadeed ka dejiyey Madaxweyne Farmaajo. [Faaqidaad]

Kulankii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ku yeesheen magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya 11-kii bishan Febraayo 2020 wuxuu guul siyaasadeed oo muhiim ah u ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo su’aal badan saaran tahay sababta Muuse Biixi kulanka uga qeyb galay.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa mucaaradka ku kacsan ay si weyn ugu dhaliileen intii uu xafiiska joogay inuu Somaliland kula dhaqmay si caddowtinimo leh, isla markaana uu colaadiyey, waxayna arrinta Somaliland ahayd caqabad weyn oo ku hor gudban mustaqbalkiisa siyaasadeed, taasoo uu awoodi waayey inuu dhinac isaga riixo, waxaana jabkii ugu weynaa soo wajahay markii xubin ka mida Guddi uu iskiis ugu Magacaabay dib u heshiisiinta Somaliland (C/raxmaan Guulwade) uu taageeray weerarkii dowladii Milateriga ku qaaday Gobollada Waqooyi.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Farmaajo wuxuu markan siiyey guul siyaasadeed oo aanu dhibaato u marin, markii xafiiskiisa uu kula kulansiiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo xilligaas ka hor aan xitaa rajo laga qabin suuragalnimada kulan noocaasi ah, wuxuuna mutay mahadcelin ay madaxtooyada Soomaaliya u jeedisay.

Somaliland waxay isku dayday inay kulankaasi ka dhigto mid ku koobnaa laba qof oo si lama filaan ah xafiis ku kulmay, iyadoo dooneysa inay daboosho lama filaanka uu Muusi Biixi ku aaday Addis iyo wixii ka danbeeyay, sida uu sheegay wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo Hargeysa ka yiri warka soo socda:

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi – madaxweynaha Somaliland

“Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayey ku kulmeen, madashaasi waxay ahayd meel madaxdii Afarika oo dhan ay imaaneysay oo lagu wada marti qaadey. markii shirkii dhammaaday waa la is macsalaameynayey.. waa la isa sii arkayey.. waa la is bogaadinayey.. waa la balamayey, sidaas ayuu madaxweynaha ku tegay Farmaajana sidaas ayuu ku yimid oo is arkeen, warkaasuna halkaas ayuu ku kooban yahay..”

Warka wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis wuxuu caddeyn u ahaa sida aanay u dooneyn inay faahfaahin uga bixiyaan kulankaasi, ama u qirtaan inuu ka yimid cadaadis ay Itoobiya saartay oo ay ku qasbanaayeen, laakiin waxay ka door bideen inay fasir aan jirin siiyaan, taasoo xisbiyada mucaaradka ka hor yimaadeen.

Madaxtooyada Soomaaliya oo kulankaasi u ahaa guul siyaasadeed oo Madaxweyne Farmaajo gaaray, waxayna qoraal kooban oo aanay waxba lagu sheegin kulankaasi ka tiri: “Madaxweynaha JFS Mudane Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay Addis Ababa Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi. DFS waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Ahmedi marti-gelinta kulanka”, waxaana ka dambeeyay raali gelintii uu Madaxweyne Farmaajo siiyey Somaliland, kadibna waxaa qorsheysan in Abiy Ahmed iyo Farmaajo wada tagaan Hargeysa.

Xoghayaha Xisbiga Wadani ee mucaaradka Somaliland Khadar Cabdi Xuseen  ayaa maanta ka hadlay arrintan, wuxuuna Madaxweyne Muuse Biixi ka dalbaday inuu umadda u faahfaahiyo wixii uu kulankaasi ahaa, isagoo warkii Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ku tilmaamay mid gef ku ah dadka Somaliland.

“Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ma aha Istaan Basaska laga raaco, meel kedis la isugu arkana iyo meel cid kasta si ku talo-gal la’aan ah ku tagto midna maaha ee umadda waxa Waa inuu Madaxweynaha la wadaagaa umadda” ayuu yiri xoghayaha xisbiga Wadanni.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON