Golaha Wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan caadi ahayn maanta yeeshay kulankoodii ugu dambeeyay ee sanadka 2018 ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka maamulka Dakhliga oo ay diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda.
Kulanka Golaha wasiirada waxaa guddoominayey Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo looga hadlay waxyaabihii u qabsoomay Golaha Wasiirada, waxaan lagu ansixiyay Hindise sharciyeedka maamuka Dakhliga, waxaana sidoo kale loo qeybiyey afarta tubood oo kala ah siyaasadda loo dhanyahay.
“Waxa aan maanta fursad u helaynaa in aan is qiimayno xukuumad ahaan ka wasaarad ahaan iyo ka xafiis ahaan. Isla xisaabtankaan waxa uu naga caawi doonaa in wixii naga hallaabay aan hagaajinno sannadka soo socda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.