Wednesday, June 25, 2025

Kuraastii ugu danbeysay ee Gedo oo lagu Dooranayo Ceelwaaq iyo Maxamud Zayid oo gaaray

Waxa magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo maanta lagu wadaa in lagu doorto kuraastii ugu danbeysay ee Gobolka Gedo, kadib markii laga soo wareejiyey magaalada Garbahaarey.

Doorashada 5 kursi ayaa ka socota Ceelwaaq, sida ay shaaciyeen Guddiga SEIT Jubbaland, waxaana durba la doortay qaar ka mida kuraasta, iyadoo shalay halkaasi la shaaciyey in lagu doortay 11-kursi, taasoo soo afjareysa 16-kii kursi ee laga sugayey Gobolka Gedo.

Dhinaca kale Madaxwayne ku-xigeenka Jubbaland ayaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaana uu Maxamuud Sayid Aadan goobjoog ka ahaa Doorashada Ceelwaaq ee màanta lagu soo gabagabeynayo kuraastii ugu danbeysay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON